MARISH OO BASHALEYSO

 Waxaa jiro nin dhalinyaro ah da'ada 30 ilaa 40 u dhexeeya indhool ah xaafadda nala degen, ninkaas 5 salaadood masaajidka kama waynaysid waa kaaga horeeyaa, wiliba 5 salaadood 3 ka mida buu ina tujiyaa. Waa xaafidul Qur'aan, salaadda markii uu ka boxo wuxuu caado u leeyahay in uu fariisto masaajidka geeskiisa kaddibna uu Qur'aanka dusha ka aqriyo, Qur'aanka markii uu aqrinaa waad la yaabaysaa codkiisa macaan tajwiidkiisa!.

Waxa aan kala yaabay ayaa ah, sida uu ugu dadaalayo salaadda subax, isagoo indhool ah ayuu masaajidka imaan aan waxba arkin, meel wuxuu soo maraa xoogaa mugdi ah, salaadda subax haddaad masaajidka tagto safka hore buu kaaga horeeyaa!.

U jeedada qoraalka ayaa ah: in ay jiraan rag dhalinyaro caafimaad kooda dhamaystiran yahay indho qabo, lixdoooda lixaad u dhammaystiranyihiin, laakiin salaadda subax aan sujuudda masaajidka dhigin, iskaba daa inay dhigaan salaaddi waqtigeedi kaddib marinaya!.
Hadii maanta dhaqtarka ku dhoho, waa inaa ii timaaddaa salaadda subax 30 daqiiqo ka hor, horay ayaa ka aadaysaa wiliba waqtiga uu ku ballamiye waqti kasii horaysa! Haddii uu maamulahaada shaqada ku dhoho, salaadda subax imaaw shaqada, waad imaanaysaa!.
Waxaad u kallahaysaa si aad Risqigaada u soo dhacsato balse uma kacaysid si aad Alle SWT amuurahaada dhan kuu fududayn lahaa inaad hor istaagto?!🥺



Comments

Popular posts from this blog

RAYAAN BAJAJ